Kulankii Madaxweyne Deni iyo Ururada Siyaasada Oo fashil ku dhamaaday

Kulankii Xalay wuxu ahaa kulan ay isku fahmi waayeen Ururada iyo Deni.

Waxay Ururadu ku adkaysteen kaliya in Laga wada hadlo 13-kii Qodob ee shirkii jaraa’id Ururada 29-ka November 2022.

Waxay kaloo soo jeediyeen in dib loo dhigo diiwaangelinta,balse Madaxweyne Deni waa diiday.

Madaxweyne Deni,wuxuu soo jeediyey in uu ugu darayo maalmo haday rabaan.

Ugu danbayn waa lagu kala kacay kulankii Xalay ee Madaxweynaha iyo Ururada Siyaasada Puntland.

Kulanka,waxaa si sharci daro ah uga soo qayb galay garab ka mid ah Ururka Shaqaalaha er kala qaybsamay.

Waxaa Saaka socda Shir Ururada iyo Gudiga Doorashada ee TPEC.

Ururadu waxay qabanayaan shir jaraaid kulanka TPEC ka dib.

Jibril Qoobey.