Shir Madaxeedka Maraykanka iyo Wadamada Afrika oo Talaadada furmaya

Dalka Maraykanka waxaa soo gaaray hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeed aad u ballaaran oo dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika, waxaana shirkan oo furmaya Talaadadan la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaaraysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.

Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah, iyada oo loo marayo “in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

Shirkan oo furmaya Talaadada,ayaa diiradda lagu saarayaa, “sidii loo ballaadhin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” ayuuu yidhi sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka oo magaciisa qariyey.

Sarkaal kale oo Maraykanka,ayaa isagu sheegay in laga yaabo inay shirka ka soo baxaan goaano iyo hindisayaal waaweyn, ka dib marka uu dhamaado saddexda maalmood ee la qorsheeyey.

Yaa ka qaybgelaya shirkan:

Afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka ayaa u sheegay VOA in la martiqaaday illaa 50 wefti oo kala metelaya 49 dal oo ku yaalla qaaradda Afrika iyo weliba ururka Midawga Afrika, kuwaas oo xaqiijiyey ka qaybgalkooda, waxaa kala duwan heerka metelaadda ee dawladaha ka qaybgelaya shirkan.

Wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaadhay dalka Maraykanka, kuwaas oo ka qaybgelaya shir madaxeedkan.

Aqalka Cad ee dalka Maraykanka looga arimiyo ayaa sheegay inay jiraan illaa shan dal oo Afrikaan ah oo aan lagu casumin shirkan oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midawga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, ka dib markii sifo aan sharci ahayn loo bedelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay. Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka.

Wadahadalada dhinaca ciidamada

Waxaa la filayaa in shirkan lagaga hadlo, sidii Maraykanku ugala shaqayn lahaa dalalka Afrika, dhinaca caqabadaha ka haysta ammaanka, gaar ahaan gobolka Saaxil ee Woqooyiga Qaaradda Afrika iyo weliba Soomaaliya.

Kaaliye ku xigeenka dhinaca wasaaradda difaaca Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Chidi Blyden oo toddobaadkii hore la hadlay weriyayaasha ka soo warama wasaaradda difaaca, ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya inay weli tahay halista ugu weyn ee jirta.

VOA