Abiy ma uqalmaa in la siiyo maqaamka hogaamiyaha Afrika ugu wanaagsan?

Ra’isalwasaaraha Itoobiya,waxaa lagu maamuusay in la siiyo hogaamiyihii ugu wanaagsanaa ee Qaarada Afrika.

Horayna,waxaa loo siiyay Bilada Nabada Aduunka Atto Abiy Axmed.

Soo dhaweyn maqaam lehna,waa loogu sameeyay Maraykanka oo ugu yaraan ka saraysa Madaxdii kale ee ay kawada yimaadeen Geeska Afrika.

Cajiib Ninka la gudoon siiyay African Leadership Award waa Abiy oo Labadii sano ee lasoo dhaafay masuul ka ahaa dhimashada Nus Milyan Qof,dhaawaca Hal Milyan oo Qof,barakaca 2-Milyan iyo Macaluusha 5-Milyan oo Qof.

Dalka uu hogaaminayo heerka amaankiisu,waxuu ka hooseeya 10-jeer markuu xukunka qabtay.

Heerka Shaqo la’aantiisuna,waxuu ka hooseeyaa 50-jeer markuu xilka qabtay.

Heerka Qiimaha maciishaduna waxuu ka sareeya 10-jeer markuu xilka qabtay.

Qiimaha Lacagtiisu waxay hoos udhacday 10-jibaar markuu Xukunka qabtay.

Gudaha Dalkiisa,waxaa ka adeegtay Dowlado Shisheeye oo si cad ugu xadgudbay Madaxbanaanida Dalka,taasoo aan abid dhicin.

Midnimada Dadkiisu waxay maraysaa halkii ugu hoosaysay taariikhda.

Colaad Sokeeye habeen kama joogsan intuu xilka hayay.

Saamaynta Siyaasadeed iyo Mileteri ee Gobolka uu dalku ku lahaa hoos bay udhacday intuu xilka hayay.

Abiy???????

Jibril Qoobey.