Shirweynaha Qurba-joogta Puntland oo Garowe ka furmay

Qurba-joogtu waa xooga koobaad ee dhaqaalaha soo geliya Puntland.

Qiyaastii in ka badan Nus Milyan reer Puntland ah,ayaa la qiyaasaa in ay ku nool yihiin qurbaha.

Waa Bulsho isxilqaam badan kana qaata door weyn horumarka Bulshada gudaha haday timaado Mashaariicda iyo amaanka.

Nasiibdarada jirtaa waxay tahay in Nus Milyankaas aysan helin tixgelintii ay ku lahaayeen Maamulka.

Maleh ilaa iyo hada Wasaarad ugaar ah oo ka shaqaysa iyaga horumarkooda,kusoo xiridooda gudaha iyo ilaalinta dhaqanka iyo Diintooda.

Waxaa jira Agaasime hay’ada Qurbajoogta ah oo layska ilaaway kuna lumay laftigiisu qurbaha xoogaa yar oo Adeeg ahna ku qaata Australia.

Dowladuhu waa is dhaamaan,waxaase ugu liidata mida Deni hogaaminayo oo haba yaraatee aan tixgelin siin Qurbajoogta una aragta Dad aan muhiim ahayn.

Madaxweynayaashii hore iyo Wasiiradoodii waxay ku dadaali jireen Laba Qodob oo kala ah…

1.In ay xiriir joogta ah la la lahaadaan Qurba joogta oo ka dhagaystaan talooyinka uguna xogwaramaan xaaladaha gudaha ka socda.

2.In ay Sanadkii Laba jeer ugu yaraan wafuud ka kala aado Qurbaha si Bulshadaas ay ula soo kulmaan.

Haatan Qurba-joogtu kuma filna Shir ay soo abaabuleen Rag iyagu Wasiiro ka raba Xukuumada ee waxay ubaahan yihiin qorshe Dowladeed oo fadhiya.