Dowlada Fadaraalka Somaliya oo shaacisay in Xubno Alshabaab ah isku soo dhiibeen

Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Fadaraalka Somaliya oo soo saartay warsaxaafadeed,ayaa sheegtay in xubnaha isu soo dhiibay Dowladda ee ka tirsan ururka al-Shabaab inay ka kooban yihiin, afar xubnood oo uu hoggaaminayo Maxamed Cali XAsan oo loo yaqaano Macalin Xudayfa.

Wakaaladda wararka ee Somaliya ee SONNA ayaa sheegtay in xubnaha isa soo dhiibay inay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab, kuwaas oo uu ka mid yahay Macalin Xudayfa oo ahaa taliyihii ururka al-Shabaab ee Jubbada Dhexe.

Wasaaradda warfaafinta,ayaa sheegtay in Macalin Xudayfa uu hoggaaminayey maleeshiyadii ururkaas ee dhowaan lagu jebiyey dagaalladii ka dhacay shabeelada dhexe.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jiraan xubno kale oo ka tirsan ururka al-Shabaab oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dawladda ee ku sugan Hirshabeelle.

“Ciidamada Qaranka,ayaa gacanta ku dhigay Sideed ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle.” Ayaa lagu yiri. warsaxaafadeedka.