Muxuu yahay Ururka Goboleedka EAC?

Waa Urur Goboleed xaruntiisu tahay Magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, ka dib heshiis ay gaareen qaar ka mid ah dalalka uu hadda ka kooban yahay, oo kala ah: Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Suudaanta Koonfureed, Tanzania iyo Uganda.

Suudaanta Koonfureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkan.

Soomaaliya,ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeega xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab laga siiyay arrinkaas.

Kenya,ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan Ururka, waxaana taageeradeeda ay muhiim u tahay damaca Somaliya ee ku biiritaanka EAC.