Video:-Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlay mudo kororsiga

Madaxweyne Laftagareen,ayaa xalay markii ugu horreysay ka hadlay mudo kororsiga,waxuuna sheegay in uu ahaa go’aan ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka.

“Wixii ku saabsan muddo-xileedka ma rabo inaan waqti geliyo, mana rabo inaan ka sheekeeyo, mas’uuliyaddaas waxaa iska leh Baarlamaanka Koonfur-Galbeed, maalinta berito ah Baarlamaanka Koonfur-Galbeed wuxuu ka qabo ayaan ka qabaa, hay’addii sharci-dejinta waaye, shalay iyadaa go’aankan gaartay, nidaam bey usoo martay, mooshin baa la keenay, nadaam ayaa noo jira, dowlad baa jirta,”Ayuu yiri M.Laftagareen.

Waxa uu hadal ka jeediyay xaflad ka dhacay Baydhabo oo lagu xusayay Afar sano guurada markii la doortay, taas oo sidoo kale dhammaad u noqoneysa muddo xileedkii afarta sano ahayd.

Halkan ka daawo muuqaalka