Faahfaahin dib usoo celinta Ciidamada Eretereya

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta ka degtay diyaarad sidday qeybtii ugu horreysay ee Ciidamadii Somaliya ee tababarka u joogay dalka Eritrea.

Ciidamadan Maanta Muqdisho gaaray,ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee ciidamada, sida kuwa Badda sida ay Dowladdu sheegtay .

Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo BBC-da la hadlay,ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo tirada Ciidamada Maanta gaaray Muqdisho.

“Tiro ma rabo inaan kuu sheego laakiin ciidankii Soomaaliyeed ee tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea oo in muddo ah shacabka Somaliyed iyo Dowladda federaalka dadaalkii uu sameeyay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamud oo labo jeer meesha tagay, tababarkii wuu u soo dhammaaday, qeybtii ugu horreysay-na maanta ayay soo degeen, “Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga,ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab ee qeybo ka mid ah dalka ka socda.

“Haddii Ilaahey yiraahdo waxaan rajeyneynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaataan howlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta dalka,”Ayuu yiri Wasiirka.

Cabduqaadir,ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii lagu tababaray Eritrea dhammaan ay dalka dib ugu soo laaban doonaan maalmaha soo socda.

“Waxaa dalka yimid qeybtii ugu horreysay inta dhimanna sida ugu dhaqsiyaha badan ayay u imaanayaan maalmaha nagu soo fool leh waxayna ka qeyb qaadan doonaan waajibaadkii loogu talagalay,” ayuu intaa ku daray. Wasiirka oo aan wax ka waydiinnay halka ay ciidamadan ka howlgali doonaan ayaa sheegay in dhammaan dalka ay ka howlgali doonaan.

“Dhammaan dalka ayay ka howlgali doonaan meel allaale iyo meeshii waajibaad laga siiyo oo Ciidanka xoogga dalka Somaliyed guud ahaan dalka ayuu ka howlgalayaa,”Ayuu yiri Wasiirka.

BBC.