Akhrinta Labaad Ee Miisaaniyada Sanadka 2023-da oo Labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalku Wadajir ugu fariisteen

Muqdisho,December 26,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 3-aad ee wadajirka ah oo uu weheliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 2-aad ee miisaaniyadda 2023-ka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa ku-xigeennada labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre iyadoo si qoto-dheer looga dooday kororka Miisaaniyadda 2023-ka. Waxaa xildhibaanadu ay su’aalooyin weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, isagoona faahfaahin ka bixiyay dhammaan weeydiimihii loo soo jeediyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn soo xiray kulanka isagoo sheegay in dib loogu celin doono Guddiga Miisaaniyadda labada Aqal iyo Wasaaradda Maaliyada si loo tixgeliyo soo jeedinta xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

               DHAMMAAD