Madaxweyne Deni oo iskaga baxay Shirkii Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Arimaha ay Puntland diiday oo kalifay in ay ka baxdo Shirka waaa Hal Qodobka oo ah..

1.Awood qaybsiga.

Puntland waxay ku dooday in Qodobkan aan loo diyaarsanayn oo uu ubaahan yahay in Gudi loo saaro loona diyaar garoobo.

Balse saakay awoodahaas ha wareejiyaan Dowlad Goboleedyadu wax soconaya ma’ahan.

Sidee loo wareejin karaa awooda Maamul ee DG,iyadoon Dastuurka la dhamaystirin lagana heshiin Siyaasada?

Sidee awooda Amni ee DG loo wareejin karaa,iyadoon la dhisin Ciidan Qaran iyo Siyaasad amni oo Somaliyed?

Sidee Canshuuraha loo wareejin karaa,iyadoon wax heshiis lagu yahay oo Somaliyed aysan jirin?

Puntland isma dhiibayso mana wareejinayso Xaniinyaheeda,iyadoon Dowladnimo loo siman yahay aysan Dalka ka saldhigan.

Wareejinta awoodaha,waxaa si cad usheegaya Dastuurka Puntland oo tilmaamaya awoodaha ay Dowlada Puntland ku wareejin doonto Dowlada Fadaraalka ah.

Dastuurka Puntland,ayaa qeexaya in ay Puntland usii dhaqmayso Dowlad Madax banaan inta laga helayo Dowlad Fadaraal ah oo lagu midaysan yahay.

Lkn awoodahayaga Dowladnimo kuma wareejinayno Cabdalle Shideeye.!

Horay kuwaan usaxiixnay,ayaa dib noogu soo noqday oo nalugi dhibaateeyay.

Madaxweyne Deni waa ku garab taaganahay in uu iska diido Ruwaayada Damjadiid +Daljir.

Jibril Qoobey.