Maxay ku salaysan tahay booqashada Ismaaciil Geelle Ee Muqdisho?

Imaanshihiisa Muqdisho ee kalifay in Shaqadii Garoonka loo hakiyo waxa ugu weyn ay daaran tahay,waa Sadex Arimood oo kala ah…

1.Ka jawaabida Martiqaad Xasan horay ugu fidiyay.

2.Akadeemiyada Afka Somaliga oo horay Xariga looga jaray in uu markale isku sawiro.

3.In uu isku muujiyo Oday Somali udhex ah oo uu tirtiro masawirkii xumaa ee uu bixiyay kulankii Meherka lana kulmo Madaxda DG oo idil.

Mashaariicda la filayo in uu ka hirgeliyo Somaliya Madaxweyne Geelle,ayaa ku koobnaan doona Qolol lagu siyaadinayo Akadeemiyadaas.

Dowladnimada Somaliya ayay ceeb ku tahay in Hawada iyo Magaaladaba loo xiro Madaxweyne Dal kale ka imaanaya.

Sidoo kale in Madaxweyne Geelle isku sawiro wax u eg dhex-dhexaadin uu ka dhex sameeyay Madaxda Somalida waxay bahdil ku tahay Qaranimada Dalka ee soo kabanaysa.