Xiriirka Turkiga iyo Srael oo soo wanaagsanaaday

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa Warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha cusub ee Israa’iil u fadhin doona dalka Turkiga, Irit Lillian, iyadoo labada Dowladood ay caadi ka dhigayaan xiriirka ka dhexeeya.

Turkiga iyo Israa’iil,ayaa bilaabay in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin kadib booqashooyin heer madaxeed ah sanadkan oo uu ku jiro booqashadii madaxweynaha Israel Isaac Herzog ee Ankara, waxayna ku heshiiyeen inay wada magacaabaan safiiro.

Labadan Dal,ayaa ku heshiiyay “In ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa marxalad cusub oo xiriir ah” oo ku saleysan ixtiraamka danaha labada dhinac.

Irit Lillian, oo aheyd ku simaha safiirka Israel u qaabilsanaa Ankara tan iyo Janaayo 2021, ayaa noqotay safiirka cusub, kadib markii ay warqadaha kalsoonida u gudbisay Erdogan.

Labadan dal oo mar ahaa xulufada iskugu dhow gobolka, ayaa muddo ka badan 10 sanadood xiriirkoodu ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoo Ankara ay eriday safiirkii Israel kadib markii 2010-kii ay Israa’iil weerar ku qaaday markab gargaar u siday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen 10 muwaadin oo Turki ahaa.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labadan Dal,ayaa dib loo soo celiyay sanadkii 2016-kii, balse labo sano kadib Turkiga ayaa u yeeray safiirkiisii Israel, isla markaana ceyrisay ergaygii Israel, markii ciidamada Israel ay dileen tiro Falastiiniyiin ah oo ka qeyb qaatay banaanbaxyo ka dhacay Marinka Gaza.

Reuters.