Muuse oo doorbidaya in uu Dagaalku noqdo mid dhexyaal Somaliland & Puntland

Muuse waxaad moodaa in uu la hadlayo Dadka taageersan oo qura.

Tirada Dadkii lagu laayey Laascaanood waa yareeyay, wuxuu soo bandhigay warbixin aan la’aamini karin,sababtoo ah waxay ahayd intaan dhibaatadu cirka isku shareerin in uu soo saaro.

Xogaha Sirdoon waxay xaqiijinayaan in markii laga saaray Laascaanood Dadka Raxanweynta ah kadib la ogaaday waxa Dadka laaya in ay yihiin Rag kasoo jeeda Beesha Habarjeclo oo ku hoos jira argagixisada wada shaqayna la leh Maamulka Somaliland.

Marna waxay dilaan Qof kasoo jeeda Beesha Bah-ararsame,marka kalana waxay dilaan Qof kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad,taasoo keentay in Labadan jifo kala shakiyaan.

Xogaha lahayo waxay cadaynayaan in Shiikhii reer Laascaanood ee lagu qarxin jiray Kismaayo,isla markaana Shabaab ay sheegteen ay ka danbeeyeen Sirdoonka Maamulka SL.

Muuse hadalkiisa waxaa ka muuqata in uu jeclaan lahaa in dagaalku noqdo mid dhexyaal Somaliland & Puntland si uu qadiyadda uga dhigo Laba Maamul oo Deegaan isku haysta.

Siyaasadii dibada iyo gudaha ee Maamulkiisa in uu ku fashilmay oo uu raadinayo jiho uu ka baxo ,ayaa ka muuqata.

Jibril Qoobey.