Ruushka oo qirtay Askar door ah looga laayay Ukran

Ruushkaa,ayaa qirtay in ciidamo badan looga dilay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin gobolka Doneska.

Qirasho dhif iyo naadir ah oo ay Wasaaradda Gaashandhiga Ruushka shaacisay,ayaa waxaa lagu sheegay in 63-Askari oo Ruush ah ay ku dhinteen weerar ay Militariga Ukraine u adeegsadeen Gantaalada Himars.

Waa tiradii ugu badnayd oo Ruushku hal goob looga dilay tan iyo markii uu bilowday duullaanka uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii tagay.

Ciidamada Ukraine,ayaa horay u sheegay in ay ku dileen boqolaal askari oo Ruush ah dukheyn Gantaalo ah oo ka dhacday gobolka bariga ee Donetsk xilligii bilowga sanadkan ka dib markii dukheyn lala helay dugsi ay Asakarta Ruushka u isticmaalayeen saldhig ahaan oo ku yaalla magaalada Malkiivka.

Ruushka,ayaa weeeraro aan kala joogsi laheyn ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kiyev iyagoo isticmalaaya diyaaradaha drone-ka maalmihii ugu dambeeyeyy.