Muxuu ka dhigan yahay heshiiska Gaashaandhiga Ee Somaliya iyo Imaaraadka?

Wasaaradaha Difaaca ee Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo Imaaraadka Carabta,ayaa heshiis ku kala saxiixday Magaalada Abu Dhabi.

Heshiiskan waxa ay Dowlada Fadaraalku ku helaysaa Afar arimood oo muhiim u ah dib udhiska Ciidanka oo kala ah..

1.Tababaro.
2.Qalabayn.
3.Saad.
4.Dhaqaale.

Heshiiskan mahan mid Saldhig looga siiyay Somaliya Dowlada Imaaraadka Carabta ee waa mid ku kooban Tababaro iyo Taageero Ciidan.

Imaaraadku waxuu Gacanta ku hayay Xerada tabararada ee Jen.Gordon oo ku taal Muqdisho mudo dheer.

Balse Dowladii uu hogaaminayay Farmaajo,ayaa Imaaraadka ka saartay Dalka iskuguna dhufatay Albaabada Xeradaas.

Sidaanoo kale Imaaraadku,waxuu Tababaro iyo taageero Ciidan siiyaa Ciidanka Booliska Badda Puntland oo xubin ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Loolankii udhaxeeyay Qatar iyo Imaaraadka ayay Dowladii Somaliya xiligaas la safatay Qatar.

Jibril Qoobey.