Video:-Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Wadada Laac-dheere iyo Rabaable

MADAXWEYNAHA OO XARIGA KA JARAY WADADA LAACDHEERE-RABAABLE OO DHISMAHEEDA LA DHAMEYSTIRAY.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray wadad Laacdheere – Rabaable ee Gobolka Nugaal taasi oo dhan 14 KM, oo la dhameystiray dhisme iyo dayactir lagu sameeyay.

Wadada Laacdheere-Rabaable ee maanta xariga laga jaray ayaa waxaa lagu hirgeliyay Cashuurtii Shacabka laga qaaday oo Dalka dib loogu celiyay, waxaana dhistay Wadada Shirkadda Wadaniga ah Kebarco.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda Waddooyinka Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Degmada Garoowe, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, la-taliyaal Madaxweyne iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu isla maanta dhaggax dhigay Wadada isku xirta Brita-dheer iyo Kalabayr oo lagu sameynayo dayactir iyo dib u dhis, waxaana ay qeyb ka tahay Waddooyinka ay dhisayso Shirkadda Kebarco, ee lagu hirgalinayo Qorshaha Cashuurta Dalka lagu dhisayo.

Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar ah siisay dhismaha Waddooyinka, waana qeyb ka mid ah qorshaha Dowladdu ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dadku helo adeeg Dowladnimo oo dhameystiran.

Halkan ka daawo muuqaalka


default

default