Baarlamaanka Fadaraalka waxaa looga fadhiyaa in ay dul istaagaan Sharciyaynta Hay’ada Nisa

Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka 53-sano oo ay jirtay ma ‘ahayn mid Sharci ku dhisan mana lahayn Xeerar qabta.

Haatan hadii la rabo in la Sharciyeeyo waa in si sax ah loo dul istaagaa.

  1. Waa in Baarlamanku cadeeyo in ay tahay Hay’ad shacab ah (Civilian Agency)
  2. Shaqadeedu ku egtahay xog ururin (Intelligence Gathering)
  3. Hoos timaadda Wasaaradda Amniga.
  4. Ansixinteeda iyo Xil ka qaadista uu Golaha Wasiiradu Masuul ka yahay.
  5. Baarlamaanku ku leeyahay la xisaabtan joogto ah.
  6. Aan ka qeyb-gelin si dadban iyo si toos ah arrimaha siyaasadda Dalka.
  7. Hay’ad aan hubeysneyn aan lahayn xabsiyo u gaar ah.
  8. Ciddii Hay’addu eedeyso la hor geeyo Maxkamadaha Dalka.

Jibril Qoobey.