Xildhibaan si cad uqiray in Golaha Baarlamaanka Alshabaab dhex fadhiyaan

“Yaanan Been isku sheegin Shabaab Baarlamaankuu ku jiraa oo dhex fadhiyaa”.Xildhibaan,ayaa sidaa cad uhadlay.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka ah,ayaa si cad golaha uga hor sheegay in Alshabaab uu fadhiyo Baarlamaanka.

Xildhibaanka,ayaa ku celceliyay in ay tahay hadaan waxqabanayno in Golaha laga saaro Alshabaabka oo hadeer talaabo laqaado.

Wax fudud ma’ahan in mid ka mid ah Xildhibaanada uu ku dhawaaqo si furan Xildhibaanada qaarkood ama Shaqaalaha Golaha ama Ciidamada amaanka ay ku dhex jiraan xubno Alshabaab ah.

In badan,ayaa si hoose oo xan ah loo sheegayay in Xildhibaanada mudo xileedkan ay Alshabaab Xubno ku leeyihiin.

Jibril Qoobey.