Madaxweyne Xasan oo dhaawicii ugu horeeyay Ee Siyaasadeed ku dhacay

Galabta markii lagu kala tagey Golaha,ayuu Madaxweyne Xasan lasoo hadlay Gudoomiye ku xigeenka 2-Aad Abshiroow kuna amray in la Ansixiyo Sharciga Maaliyada.

Waxaa la xaqiijiyay in ay Golaha fadhiyeen ugu badnaan 50-Xildhibaan oo uusan kooramku buuxin.

Xeerkan,waxuu qabanayaa Ganacsatada Magaalada Muqdisho oo qura,si kale hadii loo yiraahdo kuwa Beesha Hawiye ayuu toos usaamaynayaa.

Dhaawicii koobaad oo Siyaasadeed,ayaa caawa gaaray Madaxweyne Xasan,waxayna kala furteen Xildhibaanadii iyo Ganacsatadii Beesha Hawiye si gaar ah.

Hogaan xumada Madaxweyne Xasan lasoo baxay waxay khatar ku tahay Dalkoo idi gaarna uma ahan Beel ka mid ah Beelaha Somaliyed.

Jibril Qoobey.