Xasan Shiikh oo ku dhow guuldarro Siyaasadeed in uu kala soo laabto Baydhabo

Maalinkii Afraad,ayuu Madaxweyne Xasan joogaa Baydhabo,isagoon weli xal uhelin khilaafka ka taagan.

25-kii Musharax ee Madaxweynaha KG u ordayay waa awoodi waayay in uu ku qanciyo utanaasulka Laftagareen.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan,waa ka keeni waayay Laftagareen Sadex arimood midkood…

1.Utanaasulid mucaarad.

2.U ansixin Sanad ku darsi ah.

3.Meel dhexe oo layskugu yimaado.

Haldoorka KG waxay qabaan in Madaxweyne Xasan ku jirto hagrasho oo Deegaan aan Beesha uu kasoo jeeda ahayn uusan wakhti,dadaal iyo dhaqaale xal loogu helayo bixinayn.

70-jirkii loo igmaday hogaaminta Siyaasada Dalka in uu wax kala oran waayo reer KG ma’ahan wax caadiya.

Waxaan sugnaaba waa ilaa Beri waxa kasoo baxa Baydhabo oo uu kala soo laabto Madaxweyne Xasan.

Jibril Qoobey.