Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Afrika Ee Danjiraha Maraykankan QM?

Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa toddobaadkan u safraysa dalalka Ghana, Mozambique iyo Kenya, si ay uga wada xaajoodaan horumarinta danaha ay wadaagaan iyo mudnaanta shir madaxeedkii hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika ee dalka Maraykanka ka dhacay bishii December ee 2022.

Socdaalkeeda ay ku tegeyso qaaradda Afrika ayaa qaadanaya inta u dhexeeya bisha January 25-keeda illaa 29-keeda, waxaana ay diiradda ku saari doontaa arrimaha amniga ee gobolka, haqab-beelka cuntada, arrimaha bini’aadanimada iyo taageerada Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu yaraynayo isbedelada cimilada, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka.

Safarka Thomas-Greenfield ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xoghayaha Maaliyadda Janet Yellen ay socdaal ku joogto qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Senegal, Zambia iyo South Africa kaas oo qaadan doona illaa bisha January 28.

Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Afrika u joogta inay dhidibada u sii aasto xidhiidhka dhaqaale ee Maraykanka iyo Afrika oo ay ku jiraan ballaadhinta ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ka badan 15 bilyan oo doolar oo ah ballanqaadyo ganacsi iyo maalgashi oo laba geesood ah, heshiisyo iyo iskaashiyo, intii uu socday shirkii Maraykanka iyo Afrika ee ka dhacay Washington bishii December.

VOA.