Saraakiil sar-sare oo Daacish ka tirsan oo lagu dilay dukhaymihii Xalay ka dhacay Buuraha Bari Ee Puntland

Laba Xubnood oo sar-sare,ayaa xalay lagu dilay Saqdii dhexe Dukhayn ka dhacday Aaga Degmooyinka Isku shuban iyo Balli dhidhin (Cali Miskad).

Raga la laayay oo ajaanib ah,ayaa kala ah…

  1. Ibraahim Abuukar,oo ku dhashay Itoobiya, gaar ahaan Oromiyaa,kuna soo qaatay tababar dalka Yemen.
  2. .Abu-Saalax oo u dhashay dalka Liibiya, isla markaana tababar ku soo qaatay dalka Yemen.

Labada Nin iyo 12-kale oo Xubno Daacish ah ee lagu dilay garaacista ,ayaa ka mid ahaa saraakiisha kooxda Daacish waxayna 6-bilood ka hor ka yimaadeen dalka Yemen,iyagoo tababar uwaday kooxda Daacish.

Dukheyntan,ayaa socotay ilaa saaka waabarigii, mana ahan markii ugu horreysay oo dukheymo ka dhan ah Maleeshiyada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay Buuraleyda Gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.