Dowlada Kenya oo amaro cusub kasoo saartay xakamaynta Khamriga

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, ayaa ku amray maamulayaasha dowladda ee gobollada dhexe ee dalkani, inay dhaqan geliyaan awaamiirta hal baarmagaalo kasta, oo soo baxday todobaadkii hore.

Rigathi Gachagua, ayaa waxa kale oo uu doonayaa in qaybaha madadaalada ee gobolka, ay shaqeeyaan oo kaliya inta u dhaxaysa 05-ta galabnimo illaa iyo 11:00 saqda dhexe, taasoo ah tallaabooyin cusub oo loola jeedo in lagula tacaalo khamriga.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in awaamiirtani ay riixi doonto qaar badan oo caba maandooriyahani, inay maciin bidaa khamriga guriga lagu sameeyo – oo inta badan lagu daro kiimikooyinka warshadaha.

Kal hore ayaa waxaa lasoo sheegay dhimashada ka dhalatay kiimiko sharci darro ah.

Laakiin Gachagua, ayaa Khamiistii ku adkaystay in khamriga uu gobolka dhaca bartamaha Kenya, uu si weyn u wax yeeleeyey.

Wuxuu intaa ku daray in saraakiisha aysan u cusboonaysiin shatiga makhaayadaha marka uu ka dhaco.

“Aan wax ka qabanno arrimahan, aan badbaadino jiilka soo socda, haddii kale dhibaato, ayaa na soo wajihi doonta oo dhanka bulshada ah,” ayuu yiri.