Talyaaniga iyo Liibiya oo kala saxiixanaya heshiis Shidaal qodis ah oo ku kacaya 8-Bilyan

Ra’iisul wasaaraha waddanka Talyaaniga, Giorgia Meloni,ayaa gaartay caasimadda waddanka Liibiya ee Tripoli, halkaas oo la filayo in ay ku soo gasho heshiis Gaas oo ballaaran.

Shirkadda Shidaalka ee ay leedahay Dowladda Liibiya,ayaa heshiis ku kacaya 8-Bilyan oo dollarka Mareykanka waxa ay la gashay shirkadda weyn ee tamarta ee Eni, si xeebaha Liibiya looga qodo Ceelal Shidaal.

Heshiiskan,ayaa imaanaya xilli Yurub ay dhex maquuranayso dhibaato daran oo dhanka tamarta ah,halka kala qoqobnaan ba’an ay ka dhex jirto gudaha Waddanka Liibiya.

Ms Meloni,ayaa waxa ay marka hore ra’iisul wasaaraha Liibiya ee ay caalamku Dowladdiisu aqoonsan tahay kala hadli doontaa, mid kamid ah waxyaabaha ahmiyadda gaarka ah u leh isbahaysigeeda midigta fog, taas oo ah sidii loo xakamayn lahaa qulqulka muhaajiriinta