Wasiirka qorsheynta Fadaraalka oo amar dul dhigay hay’adaha

Wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Dowladda federaalka Somaliya,ayaa fartay hay’adaha maamula mashaariicda Somaliya in ay si buuxda ugu soo wareejiyaan hawlgalladooda gudaha dalka Somaliya.

Wasiirka qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene,ayaa sheegay in maadaama hay’duhu ay dhaqaale ku soo qaataan wax u qabashada bulshada Somaliyed ay tahay in howlahaas dadka loo dhaweeyo, isla markaana aanay jirin cid cudur daar ka dhigan karta in Somaliya amni darro ay ka jirto.

Halkan ka akhriso Warqada kasoo baxday Wasaarada