Faahfaahin habka ay utoogteen Diyaaradaha Maraykanka Buufintii Basaas Ee Shiinaha?

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dDalka Mareykanka,ayaa soo ridey buufin looga shakisan yahay in uu yahay Basaas Shiinuhu leeyahay.

Buufintaas,ayaa dul heehaabaysay Hawada sare ee Xeebta South Carolina Todobaad kadib markii ay soo gashay hawada Mareykanka.

Dadka Deegaanka,ayaa sheegay in Buufinku uu udhacay sidii Daruur dhaqaaqaysa oo soo degaysa.

Dhowr Diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa Shidaalka siiya,ayaa ka qaybqaatay howlgalkan,waxaana Gantaalka riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia.

Gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X,ayaa la riday Abbaarihii 2:39 Duhurnimo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.

Shiinaha,ayaa si adag u cambaareeyay weerarka Militari ee lagu qaaday buufintan, iyaga oo sheegay in buufintan loo adeegsanayay arrimaha saadaasha hawada iyo cilmibaaris.

Shiinaha,ayaa ku doodaya in ay ku anbatay hawada Mareykanka si kama ah.

Saraakiisha Mareykanka,ayaa beeniyay gebi ahaanba sheegashada Shiinaha.