Muuse Biixi oo qorshaynaya weerarkii Sadexaad in uu ku qaado Laascaanood

Somaliland dagaalkii Shalay way ku jabtay si weyn oo ceebaysan,waxayna taasi keentay in ismaqalkii iyo hogaamintii Ciidankoodu lumo.

Beesha Garxajis Boqolkiiba Sodon hada dagaalka banaanka ayay ka istaagtay.

Waxa ugu weyn ee ay isku canaanayaan waa habka ay weerarka usoo qaadeen iyo waliba xiliga ay soo qaadeen.

Qorshahoodu waa dagaal Sadexaad oo iskugu jira Weerar Madaafiic iyo Ciidan Lug ah.

Shir madaxtooyada Hargaysa ka dhacay oo ay ka qaybgaleen Odoyaal iyo Ganacsato waxay isla qaateen Afar Qodob oo kala ah…

1.Isgaarsiinta iyo Internetka oo laga jaro Laascaanood.

2.Gurmadka uga imaanaya Gobollada kale oo la gooyo.

3.Magaalada gudaheeda oo lagalo qiimo walba oo ay ku kacayso.

4:Ganacsatada SL waxay Maamulkooda ku taageereen 6-Milyan oo Dollar oo Cadaan ah.

Madaxweyne Deni,waxuu taagan yahay dagaalka kuma jirno oo waxuu uhadlayaa sidii Beesha caalamka.

Waa lasoo dhaafay maalmihii isqarinta Siyaasadeed,waxaa la joogaa xiligii ismuujinta iyo xaajaysiga.

Laascaanood Dhul iyo Dad ahaanba Dastuuriyan iyo dhalashaba Puntland baa leh.

Ma garan karno waxa Muuse u ogolaaday oo Deni udiiday.

Jibril Qoobey.