Kenya oo ciidamo geynaysa gobalka Waqooyi bari kadib dilka 100 qof

In ka badan 100 qof oo shacab ah iyo 16 sarkaal oo boolis ah ayaa noloshooda ku waayey gacanta “burcad iyo xoolo dhacayaal argagixiso ah” gobolka Northern Rift Valley, lixdii bil ee tegay, waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhaca xoolaha iyo khilaafyada salka ku haya kheyraadka biyaha ayaa caadi ka dhex ah bulshada xoolo dhaqatada ah ee waqooyiga Kenya.

“Burcadda dilalka gaysta ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhiyey argagixsada ay ku hayaan dadka Kenyanka ah ee aan waxba galabsan iyo hay’adaha sharci fulinta, waxayna mudadaas gubeen iskuullo, gawaari boolis iyo agabyo kale oo bulshada ay leeyihiin,” ayay tiri wasaaradda.

Boqolaal qof ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan, ayey ku dartay wadaaradda, ayada oo ku dhowaaqday xaalad deg deg ah kuna amartay shacabka inay saddex maalmood kusoo dhiibaan hub kasta oo sharci darro ah oo ay haystaan.

“15-ka Febraayo 2023, Ciidamada Difaaca Kenya ayaa la gayn doonaa si ay u taageeraan Booliska ayaga oo ka jawaabaya xaaladda amni ee ka dhalatay burcadnimada joogtada ah,” ayey dowladda ku tiri qoraalka ay soo saartay.

Daad-gurayta ciidamada ayaa u baahan inuu ansixiyo baarlamanka.

Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan sideed boolis iyo madaxii deegaanka, ayaa waxaa bishii September degmada waqooyi ee Turkana ku dilay burcadda lo’da dhaca.

Bishii November 2012, 40 sarkaal oo boolis ah ayaa waxaa lagu dilay weerar gaadmo ah ayaga oo eryanaya tuugo lo’ xaday, degmada Baragoi ee waqooyiga Kenya.

Bishii August 2019, ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ayaa lagu dilay laba weerar burcadda lo’da dhaca ay ka fuliyeen waqooyiga Kenya.

AFP/VOA
IDILNEWS