Maraykanka oo hor istaagay qorshihii loogu wareejin lahaa Raas-caseyr Imaaraadka

Kulan aan la xaqiijin karin Saacada uu dhacay ayay la yeesheen Madaxweyne Deni Rag ka socda Maraykanka,waxayna usheegeen si cad in uusan ku deg-degin Fikta kore ee Gardafuu oo ah Dhuubta caalamka kana fiirsado rabitaankiisa ah in uu soo geliyo Imaaraadka.

Kulankaas kadib isbadal weyn,ayaa ku yimid qprshihii Madaxweyne Deni iyo Imaaraadka ee Gardafuu.

Waa markii Sadexaad oo Deni uu udigo Maraykanku.

Markii ugu horraysay waxay ahayd socdaalkiisii Shiinaha oo uu Shirkado Shidaal kula soo kulmay,kadib soo laabashadiisii ay Adis-ababa kula kulmeen Laba Safiir iyo masuul sare oo Maraykan ah loona sheegay in uu iska ilaawo Shidaal iyo Shiinays.

Digniintii Labaad waxay ahayd Shaqaaqadii ugu danbaysay ee Garowe oo Safaarada Maraykanku soo wacday una sheegtay in dhamaan laga saarayo Shaqaalaha QM iyo hay’adaha caalamiga ah haday Xabbad danbe ka dhacdo Garowe.

Sida muuqata Deni waa damiin siyaasadeed Laaca arka,balse Laagga aan firin.

Jibril Qoobey.