Maxay kala soo kulantay Ergedii reer Sool Ee Deni la kulantay?

Guddi ay Beelaha reer Sool usoo dirsadeen Bosaso,ayaa Caawa la kulmay Madaxweyne Deni.

Kulankaas markay kasoo baxeen waxay sheegeen in ay niyad xumo kala soo noqdeen.

“Waxuu xataa ka gaabsaday in uu caddeeyo taageeradiisa ama waxa ay kaga talagalayaan”Sida uu sheegay Oday kulanka fadhiyay.

Gudiga reer Sool Dhaqaale ayay ku qorteen Beelaha reer Bari dhawaan Gacantooda soo geli doona.

Sidoo kale Gudigii reer Sool ee tagay Mudug waxay heleen taageero dhaqaale oo gaaraysa Nus Milyan Dolar,taasoo kala bar lagu wareejiyay.

Reer Sool hiil ayay ubaahan yihiin ee yaa lagu hallayn Denigaas ah “Ciil sokeeye”.

Jibril Qoobey.