Beesha Garxajis oo sheegtay in aysan qeyb ka aheyn dagaalka Laascaanood + VIDEO

Beesha Garxajis oo ah Beesha ugu ballaaran beelaha Somaliland (Isaaq) ayaa ku dhawaaqday in aysan qeyb ka aheyn duullaanka maamulka Muuse Biixi Cabdi ku qaaday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.

War kasoo baxay shir ay yeesheen dhaqanka Beesha Garxajis ayay ku sheegeen in ay doonayaan in ay nabad kula noolaadaan Beesha Dhulbahante, oo ay wadaagaan deegaan ballaaran, iyagoo sheegay in waxa ka socda Laascaanood uu masuuliyadeeda qaadi doono Muuse Biixi.

Garxajis ayaa xusay in Muuse Biixi uu beel ahaan dhibaatooyin u geystay intii u dhaxaysay bilihii June iyo Augusta, 2022. Iyagoo intaa ku daray in ay qeyb ka noqon doonin isimadda uu sheegay in uu u diray nabadeynta dagaalka Laascaanood.