Sawirro: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka Puntland oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland, Abdifitaax Xaaji Aaden ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay kadib munaasabad ka dhacday caasimadda Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda xilwareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha Ciidamada la-dagaallanka Argagixisada iyo saraakiil kale.

Dhammaan masuuliyiinta ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa u digay saraakiisha ka horyimaada amarada dawladda, isagoo sheegay in ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.