Maraykanka oo ku amray Muuse Biixi in uu joojiyo dagaalka Laascaanood

Dowlada Maraykanka,ayaa dalbatay in Xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah laga hirgeliyo Laascaanood.

“Wada hadalo daacad ah oo saakay la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ku saabsan khasaarihii naxdinta lahaa ee naf iyo maal ee ka dhacay Laascaanood,Maraykanku waxuu kula biirayaa Beesha caalamka baaqa ku aadan Xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah iyo gar-gaar bini’aadantinimo oo aan caqabad lahayn”Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Safaarada Maraykanka.

Warkan,ayaa ka danbeeyay kulan dhexmaray Safiir ku xigeenka Safaarada Maraykanka ee Somaliya Tin iyo Muuse Biixi Cabdi.

Dhankooda Maamulka Somaliland,ayaa xaqiijiyay kulanka iyo in laga wada hadlay amniga iyo arimaha Laascaanood.

Dadka la socday kulankan,ayaa sheegaya in Muuse Biixi farta laga saaray warqad toos loogu sheegayo in uu joojiyo dagaalka.

Sidoo kale weftiga ka socda Maraykanka,ayaa muujinaya markii la qiimeeyo maqaamkiisa in Somaliland ay lumisay tixgelintii caalamku uhayay oo hoos loo dhigay hanaankii diblomaasi ee lagula macaamiili jiray.

Shacabka reer Laascaanood ee isdifaaca ku jira,ayuu warkan macno weyn uleeyahay.