Wasaaradaha Waxbarashada PL iyo Fadaraalka oo Madaxa iskula jira

Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay sheegtay dooda dhextaal Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka in aysan ahayn sida Wasiir Faarax udhigayo.

Faarax,waxuu si cad utaagan yahay waa in wax loo qaybsadaa Somaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale Somaliya oo uu udhigayo Dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray oo PL ku jirto in Xamar la hoos keeno,ayuu qabaa.

PL waxay taagan tahay Dalku waa Fadaraal inta la dhamaystirayo Dastuurka oo la midaynayo arimaha Asaasiga ah,wax qaybsigu,waxuu sii ahaanayaa Sadex meeloodkii PL.SL iyo Bartamaha iyo Koonfurta.

Faarax oo raba in uu fashiliyo waxqaybsigaas iyo dooda PL,ayaa BC ku saaraya cadaadis ah in PL la hooskeeno Mashaariicdeeda Waxbarasho Xamar,isagoo Shirkii Paris ka hor jeediyay hadalkaas.

Hadafkiisa ugu weyn waa in PL hoos loo dhigo oo laga mid dhigo Maamulada aysan ka jirin hanaan Waxbarasho oo xataa 1000 Macallin aysan ka hawlgelin.

Puntland,waxaa ka hawlgala 10.000 oo Macallin,waxayna Wasaarada Waxbarashada PL bixisaa Mushahaarkooda,iyadoo kaashanaysa Deeq bixiyayaasha 2117-Macallin.

Doodan,waxaa qaba Wasaarada Waxbarashada Puntland.

La soco qaybaha xiga….

 

Jibril Qoobey.