Sawirro: Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland oo xilka la wareegay

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa xilka kala wareegay Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Cali Careys Xasan oo ku-sime ka ahaa Wasaaradan.

Munaasabada Xil-wareejinta ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Maamulka Gobolka Jubbada hoose iyo kan degmada Kismaayo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.