VIDEO: Sirdoonka Jubbaland oo qabtay xubin katirsan Al-Shabaab

Howlgal qorsheysan oo ay xalay Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dowlada Jubaland ka fuliyeen xaafadaha Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo ayay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe Bashiir Noor Bashiir oo ka tirsan qeybta amniyaatka ee Khawaarijta Alshabaab.

Sidookale waxaa gacanta lagu soo dhigey Nabdoonkii damiintey iyo dhamaan xubihii ka qeyb qaatey soo galintiisa magaalada iyo dajintiisaba.