Erdoğan oo war kasoo saaray shil Tareen oo ka dhacay Greece

Madaxweynaha dalka Turkiga , Rejab Dayib Erdoğan waxa uu Tacsi u diray Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Giriiga, Katerina Sakellaropoulou iyo Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Kyriakos Mitsotakis.

Erdoğan waxa uu ka Tacsideeyey Shilkii labada Tareen ee saqdii dhexe ee xalay ka dhacday meel ku dhow magaalladda Larissa ee dalka Giriiga, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 36 qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 70 kale.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye, Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu isagana Tacsi u diray dhigiisa dalka Giriiga, Nikos Dendias oo ku aadan Shilka labada Tareen ee ka dhacay dalkaasi.

Inkastoo Dowladaha Turkiye iyo Giriiga uu ka dhexeeyey Khilaaf soo-jireen ah, haddana Madaxda dalka Türkiye waxay ka Tacsideeyeen Shilka Tareen, maadaama uu dalka Giriiga noqday dalkii u horeeyey ee Reer Galbeed ah oo Gargaar la soo gaaray dalka Türkiye, kadib, Dhul-gariirkii bishii hore ee February 6-dii ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 45,000 oo qof.

Toddobaad kadib Dhul-gariirka, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Giriiga, Nikos Dendia ayaa noqday Wasiirkii u horeeyey ee dalalka Europe ee booqda Türkiye kadib Dhul-gariirkii ka dhacay.

Dhanka kale, Wasiirka Gaadiidka ee dalka Giriiga, Kostas Karamanlis ayaa Is-casilay, Karin, Shilkii labada Tareen ee ka dhacay meel ku dhow magaalladda Larissa.