Madaxweyne Xasan Shiikh oo Doxa kaga qeyb-galaya Shirka QM ee dalalka soo koraya

Dooxa, Maarso 04, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/
VillaSomaliaOfficial/ Twitter: @TheVillaSomalia