Maxay uga dhigan tahay Jubaland booqashadii Madaxweyne Xasan Shiikh ?

Socdaalkii Madaxweyne Xasan ee Kismaayo,waxuu noqday mid aan miro dhal ahayn.

Hor iyo horaanti in uu fuliyo ballanqaadkiisii ahaa,waxaan imaanayaa Kismaayo,waxay qaadatay Laba Bilood.

Imaanshihisan uu hada yimid Kismaayo M.Xasan,waa uu baajin lahaa ee waxuu ka baqay in Axmed Madoobe ka caroodo oo uu kasoo qaybgeli waayo Shirka 15-ka Bishan la filayo in layskugu yimaado.

Waa mida xigtee,qorshihii uu imaan lahaa Kismaayo ee lagu ballansanaa waa fuli waayay.

Ujeedka socdaalka M.Xasan ee Kismaayo,waxaa ugu weynaa in Gedo si buuxda loogu soo daro Jubaland-ta kale.

Balse qorshahaas waa fashilmay,waxuuna sababsaday Laba arimood oo kala ah..

1.Itoobiyaanka oo diidan in Gedo hoos tagto maamulka Axmed Madoobe.

2.Xasan Shiikh oo laftigiisu aan daacad ula shaqaynayn Axmed Madoobe.

Labadii Maalmood ee uu joogay Kismaayo M.Xasan majirin kulamo mira dhal ah ama macno ulahaa Jubaland oo dhacay.

Ugu danbayn,waxuu Kismaayo uga anba baxay halayga warsugo oo arinka Gedo halay daayo xalintiisa.

Jubaland,waxuu ka dalbaday in aysan umagacaabin maamul cusub Gobolka Gedo inta uu booqanayo ka hor.

Laba Todobaad kadib,ayuu sheegay M.Xasan in uu tegi doono Gedo.

Jibril Qoobey.