Farmaajo iyo Xasan Kulankoodu wax macno ah ma uleeyahay Dadka Somaliyed?

Shalay ayey ku kulmeen Mus-dameedka argagixisada Doha.

11-Sano ayey Somaliya u ahaayeen Madaxweynayaal,midkoodna ma dhaafin Villa Somaliya,Xaafiisyadooda waxaa wax ka maamula Al-Shabaab,hadal jeedintoodana waxaa u badan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab,kumana soo kordhin dalka wax horu-mar ah.

Farmaajo”

Waxaa lagu eedeyey in uu keli talis ahaa,awoodda dalka u dhiibay NISA oo ay maamulaan Al-Shabaab,Dastuurkii oo uu cagta hoosteeda saaray,ballan daro,isagoo la dagaalamay Dowladihii xubnaha ka ahaa DFS,isaga oo sameysta Ciidan caburiya shacabka kuna dhowaaday in loo qaado “Guulwade Farmaajo” Amni darro iyo cabsi gelin uu dhammaan dalka ku fidiyey iyo isku daygii muddo kororsiga oo khatar geliyey jiritaanka DFS.

Xasan Shiikh?

Waxaa lagu eedeyey welina lagu eedeynayaa,aqoon darrida macnaha Dowladnimo,NISA oo uu macno tiray una sameeyey sharci iyo awood xaq daro ah,adeegsi qabyaalad,ku Takri-fal hantida ummadda oo aan xishood lahayn,qosol been ah iyo ballan daro,isagoo afka kala dagaalamaya Al-Shabaab Villa Somaliyana ay ka hawl galaan,xubno u xirnaa Al-Shabaab oo Golihiisa Wasiirada ku jira,ku takri-falka awood qaybsiga beelaha,aqoon darida iyo jilicsanaanta Xukuumadiisa iyo isku day muddo kororsi isaga oo muddo sannad ka yar Xaafiiska fadhiya.

Kulankoodu wax macno ah uma laha Dadka Somaliyed.

 

Omar Cidlow-carar