Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jubaland oo la magacaabay

Tix-raac: XM/DGJS/022/2023 kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa 4aad ,Qodobka 72aad, Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay Mudane Axmed Cabdirisaaq
Maxamed Wasiirka Wasaaradda Maaliyada yo Hormarinta Dhaqaalaha.

Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa mark uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay

 

DHAMMAAD