Xasan Shiikh Siyaasiyan Dhulkuu galay bisha 5-Aad ma gaari doonto Dowladiisa.!!

Xasan Shiikh Siyaasiyan Dhulkuu galay bisha 5-Aad ma gaari doonto Dowladiisa hada dhisan.

Sadex,ayaa qarka usaaran fashil?

1.Isku dheeli tirkii kharashaadka baxaya iyo kan soo galaya Dowlada oo lumay,waxayna Dowladu hada ku jirtaa $58-Milyan oo isdhimis ah.

2.Mushahaaraadka Shaqaalaha Dowlada oo bixintoodu istaagayso Bisha 4-Aad kharash yari darteed,maadaama dakhliga Dowlada soo gala uu hoos udhacay oo 6- Ilood oo Dakhli kasoo xaroon jiray Shirkado gaar ay uleeyihiin Xaasaska iyo Qaraabada Madaxweynaha lagu wareejiyay.

3.Kabidii Miisaaniyada Dowlada iyo dhamaan Mashaariicdii BC-ka ka imaanaysay oo istaagaysa 31-ka Bishan ka hor hadaan la helin heshiis Dowlada Fadaraalka ah iyo guud ahaan DG-yada ah.

Socdaalkiisii Imaaraadka iyo Qatar ee dhaqaale raadinta ku saabsanaa,ayaa isna soo hungoobay.

Kala taga isaga iyo Deni,ayaa caqabad kale oo weyn ku noqday,waxuuna fashiliyay Deeqdii BC oo ku dhisnayd wada socodka Dowlada Fadaraalka iyo DG xubnaha ka ah.

Sida la saadaalinayo Bisha 5-Aad ka hor hadaan la helin isbadal xal noqon kara way fashilmaysaa Xukuumada Fadaraalka ah.

Jibril Qoobey.