Xasan Shiikh oo kusoo hungoobay safaradiisii dhaqaale raadiska Ee Qatar iyo UAE

M.Xasan si weyn,ayuu ugu soo hungoobay Qatar iyo Imaaraadka booqashooyinkii uu ku tagey ee ku salaysnaa dhaqaale raadinta.

Imaaraadka iyo Xasan ?

Markii ugu horaysay waxay shuruud uga dhigeen in uu lasoo heshiiyo Yuhuuda,waana aqbalay oo qarsoodi,ayuu ku tagey kuna soo saxiixay heshiiskii (Abraham).

Kadib,waxay ku xireen Saxiixa Dekedaha Bosaso,Berbera iyo Muqdisho oo qayb ahaan laga siiyo iyaga,waa fuliyay Berbera iyo Bosaso,wayse ku adkaatay faragelinta mida Muqdisho ee Turkigu haysto.

Markale,ayuu ku laabtay Imaaraadka,waxayna hordhigeen in uu Saxiixo Saldhig Milleteri oo 50-sano ah,kaasoo Bosaso ay ka samaysanayaan,waase ku dhici waayay oo Maraykanka,ayaa uga digay.

Xasan,waxuu soo jeediyay in Saldhiga loo badalo heshiis iskaashi amni sida kan Ciidamada Badda PL oo kale ah,waxaase diiday Dowlada Imaaraadka.

Dib,ayuu uga soo laabtay,isagoon fara maran.

Qatar iyo Xasan?

Waxuu hordhigtay Dalabyo taageero dhaqaale ah oo iskugu jira kabid miisaaniyad iyo la dagaallanka argagixisada.

Qatariyiintu maba war wareejin oo si fudud ayay ugu yiraahdeen soo dhawoow oo talaabooyinkan la imow hadaad naga rabto taageero…

1.Dhis Xukuumad lala shaqayn karo.
2.Dhis Sirdoon la aamini karo.
3 Ogolow in aad Shabaab hor fariisato,ka joojiso dagaalka waxna ka siiso Dowlada.

Macnaha soo jeedintooda marka la fasiro,waxuu noqonayaa noo Gacan geli RW iyo Madaxa Sirdoonka,aqbalna RW Shabaab ah.

Dharbaaxooyin uusan filayn,ayaa kaga soo dhacay Labadaas Dal Madaxweyne Xasan Shiikh.

Jibril Qoobey.