Faallo:-Xasan Shiikh Shakal Siyaasadeed ay adag tahay in uu ka baxo,ayuu galay.!!

Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa in uusan Xasan Shiikh kasoo saarin Godka Siyaasadeed ee uu ku dhacay.

Xasan Shakal Siyaasadeed,ayaa qabsatay…

1.Maraykanka oo dagaalka argagixisada taageerayay,waxuu ka niyad xun yahay sida shaqadu usocoto.

2.Reer Yurub maba ku faraxsana dagaalka argagixisada.

3.Qatar shuruudeedu waa Alshabaab oo lala heshiiyo lala sameeyo awood qaybsi Dowladeed.

4.Imaaraadku waxay taagan yihiin saxiix Saldhiga Milleteri hadaad hiil naga rabto.

5.Turkigu si Odaytinimo ah,ayuu uxeeladaysanayaa.

6.Gudaha dalka,waxay wax ku socon karaan wada shaqaynta Dowlada Dhexe iyo DG,taasna,waxaa fashiliyay khilaafka PL oo ah (Awood Siyaasadeed aan la dhayalsan karin).

Puntland oo ka duulaysay isbahaysi Siyaasadeed macnana uusan usamaynayn isbahaysi Qabiil ku dhisan waxay danaynaysay Qaran Fadaraal ah oo ku dhisan isbahaysiyo Siyaasada isku fahma.

Aragtidaas,waxaa ka leexday Xasan oo la shir yimid isbahaysi Beeleed iyo Siyaasad ku fadhida Tolla’Ayeey.

Haatan Shakal buu ugalay ay ku xiran tahay in uu ka baxo wada shaqayn uu ka helo Puntland.

In Xasan isdhiibo oo aqbalo waaqiciga Siyaasada Dalka,waxaa ka harsan 31-March in lagu sii hayo Shakashaas oo aan loo kala furin.

Xasan oo 70-jir markii Labaad hogaaminaya Villa Somaliya waa keeni waayay aragti Somali ku midoobi karto kuna dhisan karto Qarankeedii burburay.

Jibril Qoobey.