Dowlada Imaaraadka oo ugu deeqday Caasimada PL ku dhawaad 15-Gaadiid ah

Garoowe: 14 March 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad ay Dowladda Puntland Kula wareegtay 13 Gaadiid ah oo ay Dowladda Imaaraadka ugu deeqday Dowladda Hoose ee Garoowe.

Gaadiidka ay maanta la wareegtay Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa ka kooban Cagaf-cagafyo, Dabdamis, Basas, Bukaan-Laroor, Gawaari nooca xamuulka ah iyo kuwo yaryar , waxaana loogu talagalay in lagu dardargeliyo adeega Dowladnimo ee Xafiiska Degmadu u hayo Bulshada ku dhaqan Caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay deeqdan Gaadiidka ah, wuxuuna kormeeray gaadiidka oo lagu soo bandhigay Munaasabadda isagoo warbixinta Gaadiidkan ka dhegaystay Guddoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Hon Abdulkadir Geedi

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

 

default

default