Maamulka JL oo iibiyay Gaadiidkii ay ugu deeqday Dowlada Imaaraadka

Gaadiidkan oo gaaraya 55-Gaari,ayaa 35 ka mid ah,waxaa laga sii iibiyay Ganacsato,sida ay xaqiijinayaan Dad xog ogaal ah.

Calaa Gaari 25-kun oo dolar,ayaa lagu siiyay Laba Nin oo ka mid ah Ganacsatada Kismaayo ee maamulka ku xiran,sida Iluhu sheegayaan.

Ujeedka Gawaarida looga iibshay Ganacsatadan,ayaa ah in maamulku helo Lacag cadaan ah oo uu wax ku furdaansho.

Sida la qiyaaso ku dhawaad Hal Milyan oo dolar,ayuu Maamulku kasii hormarsaday Ganacsatada.

20-ka kasoo haray Gaadiidkan,waxaa si toos ah Gacanta ugu haysta Axmed Madoobe mana jiri doonto hab maamul iyo mid Deegaan oo loo qaybsanayo Gaadiidkaas lagu soo helay magaca Jubaland-ta lawada leeyahay.

Dowlada Imaaraadka,ayaa guud ahaan Maamulada Dalka soo gaarsiisay Gaadiid laba waji leh oo iskugu jira mid Caasimadaha horumarintooda looga shaqaynayo iyo mid la dagaallanka argagixisada ah.

JL-ta Kismaayo ku oodan,waxaa si weyn uga taagan dhaqaalo xumo,sababay in Ciidamada loo waayo Iidaan.

Jibril Qoobey.