Milleteriga Sudan oo beeniyay in ay jirto Xabad joojin laysla qaatay

Militariga Sudan,ayaa maanta beeniyey inay ka war hayaan xabbad-joojin 24 saac ah, kadib markii madaxa ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo uu xaqiijiyey inuu ogolaaday xabbad-joojinta.

“Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, waxaana dadaalkeenu uu diiradda saarayaa sidii loogu guuleysan lahaa hadafyada heerka howlgal,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga kadib maalmo ay isku dhacyo dhex-marayeen ayaga iyo ciidamada Dacmu Sariic.

 

Jeneraal Xamdaan, oo sidoo kale loo yaqana Xamedti, ayaa goor hore sheegay inuu ogolaaday xabbad-joojin 24 saac ah si loo ogolaado marin nabdoon oo ay helaan shacabka loona daad-gureeyo dhaawaca.

Xamedti ayaa intaas ku daray in ciidamada militariga ay ku guul-darreysteen “inay ixtiraamaan xabbad-joojinta, ayna duqeeyaan goobo ay shacabka ku badan yihiin islamarkaana halis geliyeen nolosha rayidka.”

“Waxaan wada-hadallo dheeraad ah ka sugeynaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, kuwaas oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xadgudubyadan,” ayuu yiri.

 

 

Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirada arrimaha dibedda dalalka G7 ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan “inay si deg deg ah usoo afjaraan coladda” kuna laabtaan wada-hadalalda kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen ku dhowaad 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800.