Yaa qorsheeyay burburkeeda,Maxaase loo burburinayaa Sudan?

Dagaalka Sudan waa mid ku qotoma dhaqaale iyo Siyaasad.

Sudan waxay leedahay Milleteri aad udhisan dhan walba..

1.Aqoon ahaan 5-10-kun oo ka mid ah Ciidanka,waxay udhaxeeyaan Master iyo PHD.

2.Waxay leeyihiin barnaamijyo Cilmi baariseed iyo kuwo horumarineed (R&D).

3.Tababar aad usareeya.

4.Hubka iyo Qalabka ay ku hawlgalaan oo ay iyagu soo saartaan.

5.Tiro ahaan oo ay sareeyaan.

Dhaqaale ahaan way soo kobcaysay si ka dhex muuqata Afrika,gaar ahaan ka faa’idaysiga Beeraha ee Webiga Niil.

Sidoo kale Dahabka iyo Yuraaniyamka,ayay dhoofintooda horumar weyn ka samaynaysay.

Sida muuqata,waxa qorsheeyay burburinta Sudan Maraykanka,waxaana Raqdeeda kusoo yaacay Carabta Khaliijka iyo Ruushka oo faa’ido dhaqaale ka dhex arkay.

Xogaha la helayo waxay tilmaamayaan in qorshuhu yahay…

1.Sudan oo Milleteri ahaan Dhulka la dhigo.

2.Sudan oo dhaqaale ahaan la burburiyo oo Dadka Aqoonta iyo dhaqaalaha leh ka yaacaan.

3.Dhul ahaan in markale lakala jaro lagana soo dhex saaro Dal Sadexaad oo ah (Jamhuuriyada Daafuur).

Shiinaha oo ah maalgashadaha ugu weyn Sudan,waa ka difaaci waayay kala qaybintii hore,xiligana waa badbaadin waayay Dowladnimadeeda,isagoo ah 85% Dalka qaata Saliideeda,taa badalkeeda,waxuu noqday mid Raqdeeda ka dhex raadiya fursad oo miiska soo saarta in si baqas ah uu ku qaato Saliideeda.

Maraykanku,waxuu fushanayaa qorshayaal Wajiyo badan leh oo Sudan in la diciifiyo ay khasab unoqotay.

Jibril Qoobey.