Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Sudan

Waxay umuuqataa Xabad joojintii uu shaaciyay Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka in ay fashilmayso kadib weeraro dhacay.

Rasaas iyo qaraxyo,ayaa xalay laga maqlayey magaalada Omdurman, halkaasi oo ciidamada ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn si ay u beegsadaan Aagagga Dacmu Sariic.

Militariga,ayaa sidoo kale drone u adeegsaday si ay dagaalyahannada uga celiyaan goob saliidda lagu sifeeyo oo ku taalla Bahri, oo ah magaalada Saddexaad ee ku teedsan webiga Nile.

Cuntadii,Korontadii iyo Biyihii,ayaa kusii yaraanaya Dalkaas.

Geerida Dadka dagaalladu galaafteen,ayaa caga-cagaynaysa 459-Qof,halka dhaawacu gaarayo 4000-Qof.

Milleterigu way ka awood badan yihiin Maleeshiyaadka RSF,waxayse dhexgaleen Xaafadaha Shacabka,Isbitaalada iyo Iskuulada.

Ciidanka Milleteriga,ayay culays ku noqotay garaacista goobahaas ay gabaadka ka dhigteen RSF,maadaama iyaga ay saaran tahay masuuliyada oo qaylada Shacabka iyo cadaadiska caalamku taabanayo.

 

Jibril Qoobey.