Xabad joojintii Sudan oo maalmo dheeriya lagu daray

Ciidamada Milateriga,ayaa sheegay inay aqbaleen in wakhtiga xabbad-joojinta, oo dhacayey fiidnimadii Khamiista lagu daro saddex maalmood oo kale.

Maleeshiyada RSF ee la dagaalamaya ciidamada Dowladda Sudan,ayaa iyaguna markii ugu horraysay Khamiistii aqbalay in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta, laguna daro 72 saacadood oo kale oo ka bilaabanaysa maalinta Jimcaha.

Hadalkan ka soo baxay labada dhinac, waxaa soo dhoweeyey Qaramada Midoobay, Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD iyo Wadamada  Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Sucuudiga.